Home » Archive Montly November, 2012

Palestinians win de facto U.N. recognition of sovereign state

Nov 29, 2012
Reuters/Reuters – A Palestinian boy in traditional clothes waves a Palestinain flag during a rally in the West Bank city of Ramallah November 29, 2012. Palestinian President Mahmoud Abbas appealed to the U.N. …more General Assembly to recognize Palestinian statehood by supporting a resolution to upgrade the U.N. observer status of the Palestinian Authority from “entity” to “non-member... 

Odayaaha dhaqanka beesha Sade ee Muqdisho ayaa maanta kulan saxaaadeed ay Muqdisho ku qabteen ku cadeeyay mowqifkooda ku wajahan maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka (Dhageyso)

Nov 29, 2012
Kulan saxaafadeed ay maanta Muqdisho ku qabteen Odayaasha dhaqanka beesha Sade ee ku sugan Muqdisho ayaa waxay si cad ugu sheegeen mowqifkooda ku wajahan qorshe intii muddo ahba socday ee la rabo in maamul loogu sameeyo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo. War-saxaafadeedka oo ahaa mid ay kasoo qeyb galeen idaacado isugu jiray maxali iyo kuwo caalami ah, ayay odayaashu ku sheegeen in marxaladaha dhinacyada... 

DAAWO SAWIRADA: Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo casho sharaf usameeyay Madaxweynaha Soomaaliya

Nov 29, 2012
Ra’isul Wasaraha dalka Itoobiya Hailameryam ayaa casho sharaf usameeyay Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud. Casho sharaftaas ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay xubno katirsan golaha wasiirada labada dowlad ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Madaxweynaha qaranka Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay adkeyn doonan xariirka labada dal.  Read More →

Tarsan oo ogaday sababta ay usoo laab laabtan dilalka qorshaysan ee Muqdisho

Nov 29, 2012
Xili ay sii kordhayaan falalka dilalka ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxaa arintaas si adag kaga hdlay gudoomiyaha maamulka dowlada ee gobolka Banaadir. Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ahna Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda amaan ee Gobolka iyo guud ahaan dadaalada lagu xaqiijinayo horumarinta Magaalada Muqdisho. Tarsan oo... 

Isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho oo si xoog ah lagu qaaday

Nov 29, 2012
Ciidamada dowlada Soomaliya ayaa  maalmahaan magaalada Muqdisho  ka wada howlgalo lagula dagaalamayo dhamaan isbaarooyinka yaalay degmooyinka gobolka Banaadir halkaasi oo lagu qaadi jiray lacago sharci daro ah. Waxaa saaka Degmada Wadajir laga qaday Afar isbaaro oo lagu qaadi jiray lacago faro badan kuwaasi oo laga cabsi qabay in dhiig uu ku daato qaaditaankooda. Sida ay sheegayaan dadka deegaanka... 

Ahlu Sunna Waljamaaca oo ka cabanaya waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasan

Nov 29, 2012
Saraakiisha Maamulka Degmada Dhuusomareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa codsaday in wax laga qabto haraadiga waxyaabaha qarxa ee ku jira deegaano dhowr ah oo hoos taga degmada Dhuusimareeb. Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Degmada Dhuusomareeb ee Ahlu sunna Cabdulaahi Cabdi Nuur oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay ka cabanayaan waxyaabaha haraadiga ah ee ku jira degmada Dhuusomareeb. Gudoomiye ku xigeen... 

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Amniga iyo Arimaha gudaha oo gaaray magaalada Beled-weyne

Nov 28, 2012
Wararka ka’imaanaya Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed uu ka dagay Beledweyne. Safarka Wasiirka Arimaha gudaha waxaa ku wehliyay Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, waxaana Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Beledweyne kusoo dhaweeyay... 

Cabsi ka jirta B/Xaawo iyo shacabkii oo magaalada ka barakacay, isgaarsiinta oo maqan

Nov 28, 2012
Wararka naga soo gaaraya magaalada B/Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto cabsi dagaal oo aad uxoogan. Cabsidan ayaa timid kadib markii gudaha magaalada lagu arkay ciidamo badan oo katirsan kuwa dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca. Dadka ayaa dareen xooggan ka qaaday kadib markii hawada laga saaray isgaarsiinta magaalada B/Xaawo ilaa tan magaalada Garbaharey ee xarunta gobolka... 

Al-Shabaab oo ku hanjabay in ay qabsan doonaan Kismaayo, kana digay maamul loo sameeyo

Nov 28, 2012
Horjoogaha mileeshiyada Al-shabaab ee Jubbooyinka ninka lagu magacaabo Cabdi Raxmaan Xasan oo dhowaan baxsaday Abuu Xudeyfa ayaa ku goodiyay in markale ay qabsan doonaan magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose. Hadalkaan ayuu Horjoogaha ku sheegay Wareysi Gaar ah oo uu siiyay Idaacad Afkooda ku hadasha wuxuuna marka hore ka waramay Weerarada ay geysanayaan Mileeshiyaadkooda. Waxaa uu sheegay... 

Faahin kasoo baxaysa dagaal xoogan oo dhexmaray Somaliland iyo Khaatumo State

Nov 28, 2012
Wararka naga soo gaaraya Degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu ka dhacay halkaasi kaas oo aad uu sii xoogeystay. Dagaalkaasi ayaa u dhaxeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada maamulka Khaatuma State, waxaana la sheegayaa in xoogiisa uu iminka sii yaraanayo. Sida ay sheegayaan masuuliyiinta maamulka Khaatuma dagaalka waxaa uu yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan...