Home » Archive Daily December 5th, 2012

Mid kamid ah Odayaashii soo xulay barlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Dec 5, 2012
Kooxo hubaysan ayaa xilli dambe oo Galabta ah toogtay oday nabadood ah oo kamid ahaa nabadoonadii soo xulay Baramanka cusub ee somalia. Nabadoonkaan ayaa lagu dilay xaafadda Jiiro Miskiin ee degmada Wadajir waxaana dilkiisa fuliyay saddex wiil oo dhalinyaro ah isla markaasna ay ka qaateen bistoolad uu watay Nabadoonka. Nabadoonkaan la dilay ayaa lagu magacaabayay Maxamed Maxamud Yuusuf oo ku magac... 

Wafdi ka socda Urur goboleedka IGAD oo gaaray magaalada Kismaayo

Dec 5, 2012
Waxa magaalaada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose gaaray wafdi ka socday dowlad goboleedka Igad kaas oo u kuur galaya xaaladda  jubooyinka iyo sida haatan wax u socdaan,. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubooyinka ee la sheegay inay sida kmg ah howsha u sii wadayaan ayaa kusoo dhaweeyay wafdigaan oo la dajiyay xarunta Jaamacadda Kismayo oo Fariisin ay u noqotay ciidanka iyo maamulka Kismaayo... 

Ra’isul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha barlamaanka oo kulan deg deg ah ka yeeshay Madaafiic lagu garaacamay Madaxtooyada

Dec 5, 2012
Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay guddoomiyaha Barlamanka,Ra’iisul Wasaraha iyo Madax kale oo ka tirsan guddiga amaanka qaranka isla markaasna ay ka wada hadleen arrimihii ugu dambeeyay ee magaalada. Guddiga ayaa isla soo qaaday xaaladihi ugu dambeeyay ee amaan darro ee magaalada muqdisho xalay ka dhacay waxayna sheegeen in loo baahan yahay in wax laga qabto amaanka magaalada Muqdisho... 

Shabaab oo diyaariyay haweenay dagaalama iyo kuwa isqarxiya

Dec 5, 2012
Kooxda kasoo horjeeda dowlada Soomaaliya ee  Al-Shabaab ayaa sheegay in ay diyaariyeen Haween ka qeyb qaata dagaalada islamarkaana fuliya falalka qaraxyada ah. Hadalkaan waxaa Sheegay Gudoomiyaha Al-Shabaab ee Gobolka Hiiraan ninka lagu magacaabo Sheekh Yuusuf oo la hadlayay dhalinyaro ku sugan degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan. “ Waxaa hadda Shahaadada doonaya Gabdhaheena, ragiina horey ayey... 

Nin Magaalada Hargaysa ku gowracay Haweenay, isla markaana isku dhiibay ciidamada Amaanka

Dec 5, 2012
Saciid Muxumaed Cali Magaalada Hargeysa waxaa looga yaqaanaa ( Ina Cirro weyne) wuxuu Magaalada dhexdeeda ku tumaa biraha baabuurta, wuxuu xalay qoorta ka ka dhaawacay oo uu bireeyay gabar qaadley ah oo lagu magacaabo Ardo Muumin. Gabadhaan ayaa la sheegay in ay Jaad ku iibineysay meel dhowr talaabo u jirta Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa, sidaasi waxaa sheegay qof goob jooge ahaa. Dhaawaca gabadhaan... 

Taliska Taraafikada oo wax ka qabanaya qiimaha badan ee lagu raaco gaadiidka Muqdisho

Dec 5, 2012
Shacabka Soomaaliyeed ayaa cabasho balaaran ka muujinayay lacago badan oo ay gaadiidleyda Muqdisho ka qaadaan marka ay isaga kala gooshayaan xaafadaha magaalada. Hadaba Taliyaha Ciidamada Ilaalada wadooyinka Gobolka Banadir Generaal Cali Xirsi Barre Cali Gaab ayaa sheegay inay soo gaareen Cabashooyin ka imaanaya bulshada magaalada Muqdisho. Taliyaha aya sheegay in dadkaan ay ka cabanayaan inaan la... 

Ma Dhabaa In Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu doonayo inuu Dalka Soomaaliya labo u Kala Qaybsamo (xog xaasaasi ah)

Dec 5, 2012
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa aqbalay in 10 sanadood oo ay daakhiliyad  qaadato Maamulka Somaliland si ay u fududaato in isfahan laga gaadho wada hadaladii uu bilaamay Madaxweyne Shiikh shariif iyo somaliland ka dib xidhiidh dhinacyadda Telenoofadda iyo Emailadda ah oo ay is dhaafsadeen Madaxweyne xasan sheekh, Somaliland iyo Qaramada Midoobay. Ilo wareedyo Muhiim ah ayaa shaaciyey in Madaxweyne...