Home » Archive Daily December 6th, 2012
Qarax Qasaaro gaystay oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho
Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa caawa gudaha magaalada Muqdisho lagula eegtay qarax gaystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxaas ayaa waxaa ciidamadan lagula eegtay isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howl-wadaag gobolka Banaadir sida uu warbaahinta AOL usheegay dad goob joogayaal ah.
Hal Ruux oo lagu sheegay wiil da’yar kana mid ahaa dadka deegaanka ayaa dhintay halka ku...
Golaha Wasiiradda oo soo saaray Go’aan lagu mamnuucayo ka ganacsiga qalabka ciidamadda (sawiro)
Muqdisho, Somalia (AOL) – Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo adkaynta Amniga.
Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey booqashadii uu shalay ku tagay cirifyada magaalada Muqdisho...
Ganacsatada Baladxaawo oo Cabasho xoogan ka muujiyey Badeecooyin Ganacsi oo ay deegaanka keentay shirkada Hormuud.
Ganacsatada ku dhaqan degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo,islamarkaana iibisa Noocyada kale gedisan ee Raashinka ayaa waxay cabasho xoogan ay ka muujiyeen Badeecooyin Ganacsi oo aad u tiro badan oo maalmahii ugu dambeeyey Shirkada Hormuud ay keentay Magaalada, taasoo hoos u dhac balaarana ku keentay Ganacsigooda. Qaar ka mid ah Ganacsatada Degmada Baladxaawo ayaa waxay sheegeen in Shirkad Hormuud...
Faah Faahin: Sargaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo gurigiisa magaalada Baydhabo lagala baxay
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ee Xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay gurigiisa lagala baxay sargaal ushaqeynayey mid ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala magaaladaasi.
Dad kusugan Baydhabo laguna kalsoonaan karo ayaa usheegay Muqdishonews,com in ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan Korneel Mahad Cabdiraxmaan ay xalay gurigiisa kala baxeen Idiris Cabdi...
DHAGAYSO AlShabaab: Puntland waxaan ka dilnay 30 askari anagana afar ayaa naga dhimatay
Xarakada Alshabaab ayaa ka hadashay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamadooda iyo kuwa Maamul Goboleedka Puntland Soomaaliya,kaasoo ka dhacay Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.
Afayeenka Alshabaab ee dhinaca Howlgalada Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta Alshabaab ku sheegay in ay dagaal xoogan la galeen Puntland, isagoo sheegay inay khasaaro lixaad leh gaarsiiyeen.
Waxaa...
Ciidamada dowlada oo dilal iyo dhac bareer ah ka gaystay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir
Kooxo ku labisan dareeska ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa xalay dil iyo dhac waxa ay ka geesteen Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka waxaa marqura lagu baraarugay Ciidamadani oo galay guryaha iyo goobaha ganacsi islamarkaana baaranaya dadka maraya wadooyinka.Maxamed ismaciil waxaa uu kamid ah yahay waxgaradka ku nool Dagmada kaxda waxa uu inoo sheegay inuu...
Ra’isul Wasaare Dr Saacid oo sheegay in Shabaab ay lasoo baxeen qorshe dagaal oo cusub
R/wasaaraha dalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ka hadlay kulan looga hadlayay dhibaatadii ka dhalatay madaafiic ku dhacday degmooyinka bondheere iyo Wartanabbada.
R/wasaaraha ayaa sheegay in caasimada Muqdisho sanado ka hor ay aheyd mid amaankeeda an la isku halayn Karin,isagoo sheegay in dowlada kaliya madaxtooyada ay ka rimin jirtay.
Waxaa uu cadeyay in iminka ciidamada dowlada ay guulo...
Faah Faahin: Qarax ka dhacay Xaafada Islii ee magaalada Nairobi
Wararka aan ka helayno qaraxii ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay dhimasha iyo dhaawac soo gaartay dadkii ku sugnaa goobtii qaraxa uu ka dhacay.
Mid ka mid ah dadka ku dhaqan goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay meel ku dhow goobta lagu xareeyo qalabka dhismaha waddooyinka ee magaalada.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay...