Home » Archive Daily December 8th, 2012

Madaxweyne Xasan Sh oo kasoo dagtay magaalada Muqdisho kana hadlay Safarkiisii Turkiga

Dec 8, 2012
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa goordhow kasoo dagtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay dalka Turkiga. Waxaa garonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Madax katirsan dowlada, waxaana soo dhaweyntiisa kadib uu lahadlay saxaafada. Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in si wanaagsan uu kusoo dhamaaday safarkiisii dalka Turkiga... 

Ciidamo tababar loogu soo gaba gabeeyay qeybo kamid ah gobolka Gedo

Dec 8, 2012
Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas tababar loogu soo gaba gabeeyay ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya Ciidamadan ayaa waxaa tababarka siinayay Saraakiil kenyan ah, waxaana lagu tababaray xaduuda Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaanm dhinaca gobolka Gedo. Saraakiil kusugan Faafax-dhun ayaa inoo sheegay in ciidamadan tababarka loo soo dhameeyay ay gaarayaan... 

Qasaaraha qaraxii ka dhacay Xaafada Islii oo sii kordhaya iyo Howlgaklo balaaran oo soconaya

Dec 8, 2012
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay Masjidka Alhidaaya ee xaafada Islii magaalada Nairobi dalka Kenya. Tirada dhimashada ayaa saacadan gaartay ilaa shan ruux oo Soomaali ah kuwaas oo kamid ahaa dadkii ku dukaday masjidka qaraxa uu ee xaafada Islii. Sidoo kale Isbitaalada ayaa la geeyay dhaawacyo ilaa tobanaan ah sida ay AOL usheegeen qaar kamid ah Saraakiisha caafimaadka... 

Dil ka dhacay magaalada Baydhabo iyo howlgalo dad badan lagu soo qabtay oo soconaya

Dec 8, 2012
Rag Hubaysan ayaa xalay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku toogten Wiil dhalinyaro ah oo ahaa Arday wax ka dhigta mid kamid ah Iskuulada magaalada. Kooxihii falkaas dilka ah gaystay ayaa isaga baxsaday goobta iyadoona ay gaareen ciidamo katirsan kuwa amaanka magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka waxay baaritaano ay ka wadaan gudaha magaalada... 

Al-Shabaab aad ubadan oo lagu soo qabtay howlgal ka dhacay magaalada Beledweyne

Dec 8, 2012
Ciidamada DOwlada Soomaaliya ayaa waxay dhalinyaro badan oo ka tirsan Alshabaab ay ku qabqabteen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan. Wararka aan ka helayno magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah ay soo qabteen dhalinyaradaasi kuwaasi oo laga shakiyay. Sidoo kale ku dhawaad 50 ruux oo ay  ku jiraan 25 Alshabaab ah ayaa ladhigay saldhiga magaalada...