Home » Archive Daily December 9th, 2012

Ciidamada Huwanta oo la wareegay magaalada Jowhar

Dec 9, 2012
War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Jowhar ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dawlada iyo kuwa amisom ay gudaha ugaleen magaaladaasi. Dad kusugan magaalada Jowhar ayaa waxay uxaqiijiyeen AOL in ciidamada al shabaab ay saacad ka hor ka baxeen magaalada Jowhar iyadoona wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in ciidamada huwanta ay hadda kusugan yihiin Jowhar. Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha... 

Sargaal katirsan Sirdoonka Somaliland oo lagu dilay magaalada Laascaanood

Dec 9, 2012
Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in rag hubaysan ay toogasho ku dileen Sargaal katirsanaa Sirdoonka Somaliland. Sargaalkan ayaa la dilay xili uu ka shaaheynayay maqaayad kutaal bartamaha magaalada Laascaanod sida AOL uu usheegay mid kamid ah dadka deegaanka. Kooxihii dilka geystay ayaa meesha iskaga baxsaday waxaana la ogayn sababta loo dilay iyo cida... 

Ciidamada dowlada oo toogasho ku dilay darawal ka shaqeynayay Muqdisho iyo Marka

Dec 9, 2012
Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ay toogasho ku dileen darawal ka shaqeynayay inta udhaxeysa Muqdisho iyo Marka Sida ay sheegeen dad kusugan gobolka Sh/Hoose waxaa ay ciidamadan qaarajiyen Mid ka mid ah darawalada gaadiidka ka dhex shaqeeya gobollada Sh/hoose iyo Banaadir ayaa sheegay in ciidamo katirsan Dawlada ay dileen mid ka mid ah darawalada... 

Al-Shabaab iyo ciidamada Itoobiya oo ku dagaalamay gobolka Bakool

Dec 9, 2012
Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ay halkaas ku dagaalameen ciidamada dowlada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo ciidamada Shabaab. Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub aad uxoogan, iyadoo labada dhinac ay guullo ka kala sheegteen dagaalkan ka dhacay degmada Ceel-Barde ee gobolka Bakool. Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin (Dhalo-dheere)waxaa... 

Al-Shabaab oo isaga baxay magaalada Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe

Dec 9, 2012
Ciidamadii Al-Shabaab ee kusugnaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe ayaa lasoo sheegayaa in ay isaga baxeen magaaladaas, kadib markii ay saakay ku dhawaadeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom. Warar aynu ka helnay Dadka ku sugan Degmada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay hareer mareen Degmada Jowhar islamarkaana ay aadeen dhanka Garoonka Degmada...