Home » Archive Daily December 10th, 2012

Xafiiska Wasaarada Caafimadka ee Gobolka Gedo oo beeniyay warar sheegayay in xaalado caafimaad oo qatar ah ay ka taagan yihiin Gobolka

Dec 10, 2012
War Saxaafadeed Maanta ka soo baxay Xafiiska isku duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Gedo ayaa lagu sheegay in ayan waxba ka jirin Warar laga faafiyey Gobolka oo sheegayey in Xaalad Caafimaad oo Qatar ah in ay ka taagan yihiin  degmooyinka iyo Tuullooyinka Gobolka Gedo. Isku duwaha Wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Gedo Shire Cabdi Maxamed (Shire Coley) oo la hadlayey warbaahinta ayaa nasiib... 

DHAGAYSO: Xasan Sh oo kahadlay Maamul usamaynta gobollada dalka, sharuud adagna ku xiray

Dec 10, 2012
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa si kulul kaga hadlay maamulada ka jira gudaha gobollada dalka kuwaas oo uu sheegay in dhibaato ay ka dhalan karto. Waxaa uu si gooni ah usoo hadal qaaday maamul usamaynta Jubbooyinka, Hiiraan iyo Galgaduud, Bay iyo Bakool iyo kuwa kale oo badan. Madaxweynaha dowlada ayaan sheegay in maamuladaas oo an si nidaamsan loo dhisin ay kala fogayn karaan... 

Warar sheegaya in AL-Shabaab isaga baxeen deegaanka Cadalle ee Gobolka Sh/Dhexe

Dec 10, 2012
Warar hadda naga soo gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay ku waramayaan in goor dhaw halkaasi iskaga baxeen al shabaabkii maamuli jiray. Inkastoo dadka ay ka cabsanayaan inay ka warbixiyaan qaabka ay ubaxeen shabaab iyo jawiga sida uu noqon doono ayaa hadana waxay inoo xaqiijiyeen ciidamo badan oo al shabaab ah inay magaalada ka baxeen. Markii ay kabaxayeen Al shabaab degmada... 

Booliska Mombasa oo Dad ku dilay Magaalada Mombasa kuwa kalana xabsiga dhigay

Dec 10, 2012
Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa dilay sedex ruux halka ilaa 10 kalana ay xabsiga dhigen gudaha magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta dalka Kenya. Wararka waxaa ay sheegayaan in falkan uu ka dhacay saldhig ciidan oo kuyaal gudaha magaalada kaas oo la sheegay in koox katirsan MRC ay weerar kusoo qaadi rabeen hase ahatee ay ciidamada ka hor tageen. Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in dadka deegaanka... 

Fiqi “Al-Shabaab Waa looga adkaaday dagaaladii ay wadeen”

Dec 10, 2012
Kadib qabashadii magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe ayaa Wasaarada Gaashaandhiga dowlada Soomaaliya waxaa ay sheegtay in Shabaab laga adkaaday. Isagoo la hadlayay saxaafada ayaa Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Fiqi waxaa uu ka dhawaajiyay inay sii wiiqantay awooda Ururka Alshabaab isagoo xusay in hal qorshe ay kusoo urureen Alshabaab. Sidoo kale, Cabdixakiin... 

Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Magalaada Jowhar iyo dad xabsiga la dhigay

Dec 10, 2012
Xaalada magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayaa degan kadib markii ciidamada dowlada Soomaliya iyo kuwa Amisom ay shalay kala wareegeen Shabaab. “Jawiga ayaa aad u wanaagsan mana jiro wax dhibaato ah oo xalay ka dhacay magaalada Jowhar, waxaana ciidamo badan loo geybiyay goobaha ganacsiga ee magaalada Jowhar”ayuu sheegay goob jooge lahadlay AOL . Dhaqdhaqaaqii Ganacsiga iyo goobaha waxbarashada... 

Madaxweyne Xasan Sh oo sheegay in ciidamada Militeriga laga saari doono Muqdisho

Dec 10, 2012
Ciidamo badan oo katirsan kuwa Militeriga ayaa dhibaato xooggan ka gaysta magaalada Muqdisho iyagoo dhaca dadka sidoo kalana dilal gaysta. Xili uu lahadlayay saxaafada ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud waxaa uu kahadlay amaan xumada ay ciidamadaas gaysanyaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay ku tilaabsatay isbedel weyn isagoo xusay in lasii adkeyn doono...