Home » Archive Daily December 16th, 2012

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo U Ambabaxay Jabuuti

Dec 16, 2012
(Axad, Desember, 16, 2012 Muqdishu, Soomaaliya) Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh Maxamud ayaa maanta wuxuu u dhoofay Jamhuuriyada Jabuuti si uu uga qeyb galo Sanad Guuradii 40 aad ee ka soo wareegtay markii la hirgeliyay in luuqada af Soomaaliga la qoro. Wafdigan uu Madaxweynaha hogaaminayo ayaa ka kooban shaqsiyaad kuxeel dheer luuqadaha( LuuqadYaqaano) iyo Gudoomiyayaal... 

Wariye ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Dec 16, 2012
Allaha unaxariistee Wariye Ibraahim Daa’uud Muudeey (Weynax) ayaa waxa uu saaka ku geeriyooday degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho. Wariyaha ayaa waxa la sheegay inuu katirsanaa muddana uu ka shaqeynayey Idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho waxaana uu ugeeriyooday dhiikar sida ay eheladiisa inoo xaqiijiyeen. Wariye C/naasir France oo si weyn ugaranayey mudana ay isla shaqeynayeen idaacada... 

Xildhibaan katirsan dowlada oo sheegay in dhulkii Soomaaliya la qeybsaday

Dec 16, 2012
Mid kamid ah mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday arin aysan ku baraarugsanayn shacabka Soomaaliyeed. Isagoo ka hor hadlayay Barlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu sheegay inuu soo arkay dhismayaasha Xaruntii ciidamada mariniska dalka Soomaaliya oo la siiyay safaarado dowladda Shisheeeye ah oo dalka... 

Faah Faahin: Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowlada oo sakaay isku balaariyay degmada Ufurow

Dec 16, 2012
Kadib markii ciidamada dowlada iyo kuwa Kenya ay xalay ka baxeen degmada Ufurow ee gobolka Bay ayaa waxaa wararka saakay aan helayno ay sheegayaan in ay halkaas dib ugu noqdeen Dad kusugan magaalada oo lahadlay AOL ayaa sheegay in ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ay dib ula wareegeen magaalada oo xalay ay isaga baxeen Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Baay oo ka hadlay... 

Al-Shabaab: Sirdoon Mareykan ah ayaa kusugan Madaxtooyada Muqdisho

Dec 16, 2012
Kooxda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay heshay warbixino muujinaya in Saraakiil cadaan ah oo Mareykan ubadan ay kusugan yihiin madaxtooyada. Xili uu lahadlayay Saxaafada qaarkood ayaa Afhayeenka Ururka Al shabaab Sh.Cali Maxamuud Raage (Dheere) waxaa uu sheegay inay ka war hayaan in magaalada Muqdisho ay kusugan yihiin saraakiil sirdoon ah oo udhashay dalka mareykanka. Cali Dheere Waxaa uu sheegay...