Home » Archive Daily December 19th, 2012

Qaraxyo Caawa ka dhacay Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

Dec 19, 2012
Wararka Ka’imaanaya Xaafadda ay Soomaalida dagantahay ee Islii ee Magaalada Nairobi ayaa sheegaya in labo qarax oo loo adeegsaday Bambo gacmeed ay ka dheceen dhinaca Xaafadda Juja Road ee isla xaafadda Islii. Qaraxyada oo ah Labo ayaa waxaa loo adeegsaday Bambo Gacmeed waxaana ku dhaawacmay Labo qof oo rayid ah sida lagusoo waramayo. Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa wexey ahayd banaanka Masaajidka... 

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga Q.M ee Soomaaliya “Sawirro”

Dec 19, 2012
(Mogadishu, Somalia,Desember ,19,2012) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Soomaaliya Ergayga gaarka ah ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaliya Ambassador Augustine Mahiga. Kulankaas ayaa waxaa uu Madaxweynahu kaga hadlay dhowr arimood oo ay ka midyihiin,xal u helida dhalinyarada da’da yar ee iska soo dhiibayo dhinaca Al-Shabaab... 

Al-Shabaab oo Nin Shaqaalo ka ahaa Dekadda Kismaayo bireeyay “Faah Faahin’

Dec 19, 2012
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo katirsan kooxda Al-Shabaab ay gowraceen nin rayid ahaa. Ninkan ayaa waxaa lagu gowracay xili uu mayay meel duleedka ka ah magaalada Kismaayo uuna kusii jeeday dhanka Kamsuumo ee gobolka Jubada hoose. Wararka waxaa ay tilmaamayaan in Ninkan uu kamid ahaa shaqaalaha dekadda Kismaayo uuna kusii jeeday magaalada Kamsuuma, hase ahaatee Al-Shabaab... 

Faah Faahin: Israaseyn uu ku dhaawacmay Sargaal katirsan ciidamada dowlada oo Madaxtooyada ka dhacday

Dec 19, 2012
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas xoogan oo maanta laga maqlay banaanka xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah dadka ku sugan afaafka hore ee madaxtooyada ayaa warbaahinta AOL  u sheegay in askari ka tirsan dowlada uu dhaawac u geystay sarkaal ka tirsan madaxtooyada. Sarkaalka ka tirsan madaxtooyada ayaa la sheegay inuu dhaawaca soo gaaray markii askariga uu la murmay... 

Amisom oo sheegtay in ay dhisayso Jidadka waa weyn ee Sh/hoose

Dec 19, 2012
Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose ee maamulka dawlada Somalia Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo saxaafada kula hadlayey meelo kamid ah gobolkaasi waxa uu sheegay inay dhawaan dhismo Amisom ka bilaabi doonaan sh/hoose. C/qaadir Siidii waxa uu tibaaxay in ciidamada Amisom saraakiil kusugan gobolkaasi ay usheegeen in dhawaan howlo dhismo ah kasameyn doonaan waddooyin ka mid ah gobolkaasi. “Waxay Amisom... 

Faah Faahin laga helayo dab qasaaro gaystay oo ka kacay degmada Afgooye

Dec 19, 2012
Sida ay sheegeen dad ku dhaqan degmada Afgooye waxaa xalay halkaasi ka kacay dab khasaare geystay gaar ahaan halka loo yaqaano koontaroolka Bar Ismaaciil. Dabka ayaa la sheegay inuu ka dhashay koronto goobta ka dhaweyd waxaana la sheegay in dhismo goob ganacsi ahayd dabka uu saameyn ku yeeshay. Dadka deegaanka ayaa daqiiqado kadib waxay ku guuleysteen in la damiyo dabkaasi waxaana jira hanti aan la... 

Nabad sugida dowlada oo si adag ula hadashay waalidiinta dhalay caruurta

Dec 19, 2012
Hay’ada taliska Nabadsugida Gobalka Banaadir ayaa digniin xoogan udiray waalidiinta Soomaaliyeed kas oo ah inay caruurtooda kala soo baxaan Ururka Al-Shabaab. Isagoo lahadlayay saxaafada ayaa Taliyaha Hay’adda nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg  wuxuu sheegay in Ururka Al-Shabaab ay yihiin urur fashilmay loogana adkaaday dagaalada dalka ka socda.Sidoo kale Wuxuu sheegay in waalidiinta... 

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cabdi Jiinow

Dec 19, 2012
Weerar xoogan oo bambooyin loo adeegsaday ayaa xalay lagu qaaday degmada Jowhar iyadoona wararka qaar ay sheegayaan in weerarkaas lagu qaaday gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe. Sida ay sheegtay Idaacad ka mid ah kuwa taageera Al shabaab waxaa jiray isku day lagu khaarajin lahaa gudoomiyaha gobolka sh/dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow oo ah gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe. Qaraxa waxa uu ahaa nuuca gacanta laga...