Home » Archive Daily December 20th, 2012

C/Naasir Seeraar oo beeniyay in dagaal uu ka dhacay magaalada Kismaayo

Dec 20, 2012
Iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in dagaal xoogan oo qasaaro gaystay ay maanta ka dhaceen magaalada Kismaayo ayaa waxaa arintaas ka hadlay maamulka ka taliya magaalasaas Isagoo lahadlayay Idaacada VOA-da ayaa C/naasir Seeraar wuxuu sheegay in maanta haba yaraatee aysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalkaasi. Wuxuu sheegay in dagaalka maanta ka dhacay Magaalada... 

SAWIRO: Xuska aas-aaska ciidamada booliska oo Muqdisho lagu qabtay iyo Dr Saacid oo kahadlay

Dec 20, 2012
Waxaa duhurnimadii maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Generaal kaahiye ee Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay munaasabad ballaaran oo loogu dabaaldagaye xuska 69-sanoguuradii kasoo wareegatay markii la aas-aasay ciidamada Booliiska Soomaaliyeed. Xaflada ciidanka Booliiska maanta loo dhigay ayaa waxa ay aheyd mid ballaaran islamarkaana ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin kala duwan oo dowladda... 

Al-Shabaab lagu qabtay howlgal ay ciidamada nabad sugida ka sameeyeen Magaalada Jowhar

Dec 20, 2012
Ciidamada midowga Africa ee ku sugan magaalada Jowhar iyo ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa howlgalo lagula dagaalamayo Alshabaabka ku harsan magaalada Jowhar waxay ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaaladaasi. Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa waxay gacanta kusoo dhigeen rag ka tirsan Alshabaab kuwaasi oo ku dhuumeylaysanayay xaafado ka mid ah magaalada Jowhar. Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sheegay... 

Isku aadka kooxaha Champions League-ga wareega 16-ka

Dec 20, 2012
Isku aadka kooxaha u soo baxay wareega 16-ka ee Koobka Horyaalada qaarada Yurub ayaa goor dhaweyd la sameeyey, iyadoo isku aadka lagu qabtey magaalada Nyon ee dalka Switzerlan, waxaana kooxaha la isku aadiyey sidan. Galatasaray v Schalke Celtic (Scotland) v Juventus (Italy) Arsenal (England) v Bayern Munich (Germany) Shakhtar Donetsk (Ukraine) v Borussia Dortmund (Germany) AC Milan (Italy) v Barcelona... 

Deg Deg: Dagaal ka soconaya bartamaha magaalada Kismaayo

Dec 20, 2012
Sida ay sheegayaan Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda Hoose  dagal udhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Raaskaambooni oo isku dhinac ah iyo maleeshiyo beleed uu ka socda magaalada gudaheeda. Dagaalka wuxuu ka socdo Xaafada calanleey ee magaalada Kismaayo halkaasi oo ay isku foodsaareen dhalinyaro la sheegay inay isbaaro dhigteen iyo ciidamada Dowladda Soomaaliya. Wararka...