Home » Archive Daily December 23rd, 2012

Sargaal ka tirsan ciidamada Puntland oo caawa lagu toogtay magaalada Garoowe

Dec 23, 2012
Wararka caawo laga helayo Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay Caawo Magaalada ku toogteen Gaashaanle Sare C/llaahi Xuseen oo kamid ah Ciidamada Booliska Gobolka Nuugaan. C/llaahi Xuseen wuxuu ka tirsanaa Ciidamada Booliska ee Gobolka Nugaal, waxaana lagu toogtay agagaarka xarunta Xawaalada Mustaqbal Express ee magaalada... 

Maamulka Deegaanka Faafaxdhuun oo ka hadley Biyo la’aan ka taagan deegaankaasi

Dec 23, 2012
Dadka ku dhaqan deegaanka Faafaxdhuun ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay ka cabanayaan xaalado isugu jira Biyo yaraan iyo weliba abaaro saameeyey nolosha dadka iyo duunyada,xaaladahan oo isa soo tarayey todobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxay keeneen in Biyo la,aanta darteeda in laga barakaco Fafaxdhuun iyo Nawaaxigeeda. Gudoomiyaha Deegaanka Faafaxdhuun Aden Shuqul Nuunow oo la hadlayey Warbaahinta ayaa... 

SAWIRO: Nabad sugida gobolka Banaadir oo soo bandhigay Gaadiid horey loo dhacay

Dec 23, 2012
Taliska hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir ayaa maanta soo bandhigay gaadiid ay horay udhaceen kooxo hubaysan oo ku sugan magaalada Muqdisho. Taliyaha hay’adda Nabadsugida Gobalka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in raga gaadiidka dhacay ciidamada Nabadsugida ay soo qabteen kadib howlgal ay sameeyeen.  Read More →

Wafdi ka socda QM oo goordhow gaaray magaalada Beledweyne

Dec 23, 2012
Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkas ay gaareen wafdi ka socda QM. Wafdigaan oo ka koobnaa dhawr hay’adood oo ka socday Qaramada Midoobeey ayaa maanta waxay gaareen magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan. Wafdiga ayaa waxa kusoo dhaweyey garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Airport ee magaalada Baladweyne mas’uuliyiin... 

Xildhibaanada barlamaanka oo Gudoomiye Prof Jawaari u diiday inuu shir gudoomiye noqdo

Dec 23, 2012
Kadib kulan ay maanta Muqdisho ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa banaanka looga Saaray shirka gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Professor Jawaari. Cumar Maxamed Isloow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxa uu ka akhriyey qodobka ay u cuskadeen in banaanka looga saaro shirka gudoomiye Jawaari qodobka 94aad ee dastuurka ku qoran. Qodobkaasi waxa uu cadeynayaa in... 

Wasiirka gashaandhiga oo safar ku aaday dalalka Kenya iyo Uganda

Dec 23, 2012
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamud Fiqi oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsa ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed aya maanta ka dhoofay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho isaga oo kusi jeeda dalka Kenya. Safarka Wasiirka Gaashaandhiga ayaa wuxuu ku qotomaa kulamo uu la qaadanayo masuuliyinta dhanka Gaashaandhiga qaabilsan ee dalalka Kenya iyo Uganda. C/xakiin Xaaji... 

Al-Shabaab oo la sheegay in ay xarumo ka samaysteen degmada Dayniile

Dec 23, 2012
Kadib Shirjaraa’id uu ku qabtay xarunta Degmada Dayniile Guddoomiyaha Degmadaasi Daahir Xasan Xuseen ayaa wuxuu sheegay in Degmada Dayniile ay ka jirto dhibaato adag oo dhanka ammaanka ah. Wuxuu sheegay in Ururka Al-Shabaab Degmada Dayniile ay ku leeyihiin fariisimo ciidan islamarkaana maamulka Degmada uu wax ka qaban waaye arintaasi taasina ay tahay dhibaato ka taagan Degmada. Daahir Xasan Xuseen... 

Dharkeenley oo laga qaaday Isbaarooyin iyo kooxihii dhigtay oo la qabtay

Dec 23, 2012
Maamulka Degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir ayaa ka hadlay howlgalo ay kula dagaalamayaan dad isbaaro dhiganayay degmadaasi iyo dad lasoo qabqabtay. Macalin Cali Hilowle, gudoomiyaha degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in degmadaasi ay ka dhaqan geliyaan amarkii madaxweynaha ee ahaa in la qaado dhamaan isbaarooyinka. Macalin Cabdulle,ayaa sheegay in ciidamada maamulka degmada...