Home » Archive Daily December 25th, 2012

Warar dheeraad ah: Wafdi ka socda dowlada Soomaaliya oo gaaray degmada Afgooye

Dec 25, 2012
Iyadoo saacad kahor aqristayaasheena sharafta leh aan usoo gudbinay in wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumada Soomaaliya uu booqasho ku tagay Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelah hoose ayaa wararkii ugu dmabeeyay ee socdaalka wasiirka waxa ay sheegayaan inuu tagay deegan Shabaab ay kasoo abaabuli jireen dagaalada iyo qaraxyada. Wasiirka arimaha gudaha C/kariim Xuseen Guuleed ayaa waxaa... 

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Dec 25, 2012
Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahan ku maqnaa wadamada Kenya iyo Uganda ayaa maanta dalka dib ugu soo noqday isaga iyo wafdiga uu hogaaminaye. Madaxweynaha oo kasoo dulay dalka Uganda ayaa garoonka Magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ee ku sugnaa Muqdisho. Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha... 

Ururka Samafalka ADESO oo lagu eedeeyay cadaalad daro iyo Musuqmaasuq

Dec 25, 2012
Odoyaal iyo Waxgarad ku sugan Baladxaawo oo eedeyn u jeediyey Mid ka mid ah Ururada Samafalka ee ka howlgala degmadaasi.  Odoyaal iyo Waxgarad ku sugan degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo oo maanta kulan ay ku yeesheen Degmadaasi ayaa waxay kaga wada hadleen eedeyn balaaran oo ay u soo jeediyeen mid ka mid ah Ururada Samafalka ee ka howlgasha Magaalada Baladxaawo oo horey loo oran jiren HORN RELIEF,... 

DHAGAYSO: Dowlada oo kahadashay sababtii ay ciidamadeeda ugala soo baxday Buullo-Gaduud

Dec 25, 2012
Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Kenya ayaa dib uga soo baxay deegaanka Buulo-Gaduud oo qiyastii 30KM ujira magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Markii ay ciidamadaas kasoo baxeen degaanka ayaa waxaa la wareegay ciidamo katirsan Al-Shabaab oo markii hore si dagaal ah deegaanka looga saaray. Aadan Maxamed Cabdi oo ah Sargaal katirsan ciidamada dowlada ee Kismaayo kusugan ayaa ku sheegay... 

DHAGAYSO: Al-Shabaab oo sheegtay duqeyntii lagu qaaday madaxtooyada Muqdisho

Dec 25, 2012
Dhawaan ayaa magaalada Muqdisho waxaa laga maqlay madafiic shaki gelisay xaalada maaan ee magaalada, iyadoona madaafiicdaas lagu weeraray madaxtooyada Muqdisho. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ay ku fashilmeen dagaalada ka socda dalka Soomaaliya. Warkaan ayaa waxaa shaaciyay Guddoomiyaha Shabaab ee Gobalka Banaadir ugu magacaaban Sheekh Cali Maxamed Xuseen... 

Wasiirka Arimaha Gudaha iyo amniga qaranka oo kormeeray qeybo kamid ah Muqdisho

Dec 25, 2012
Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka dalka ayaa samaynaysa dadaalo ku aadan sidii ay wax uga ogaan lahayd xaalada amaan ee magaalada iyo sida ay howlgalada uwadaan ciidamada dowlada. Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa habeenkii labaad kormeer ku tagay isgoosyo ka tirsan magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaliya. Wasiirka arimaha... 

Kulankii barlamaanka oo goordhow furmay iyo Wariyaasha oo loo diiday in ay gudaha galaan

Dec 25, 2012
Waxaa haatan ka furmay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kal fadhiga barlamaanka Soomaaliya kaas oo maanta looga doodayo ansixinta miisaaniyada uu soo gudbiyay Wasiirka maaliyada. Kulankan oo si fashil ah shalay kusoo dhamaaday ayaa saakay ay ufadhiyaan xildhibaanada dowlada Soomaaliya iyadoona wariyaasha loo diiday in ay kalfadhiga barlamaanka ka dhex shaqeystaan. Qaar kamid ah xildhibaanada... 

DHAGAYSO: Guri kuyaal Magaalada Jowhar oo hub iyo waxyaabaha qarxa laga helay

Dec 25, 2012
Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Nabadsugida ay gacanta ku dhigeen miinooyin kala duwan. Sida u warbaahinta usheegay Afhayeenka Maamulka Gobalka shabeelaha Dhexe daa’uud Xaaji Ciiro ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Nabadsugida ayaa howlgal kala duwan oo ay iska kaashadeen ay ugu suragashay... 

DHAGAYSO: Faah Faahin kasoo baxaysa duufaano ka dhacay gobolka Bari

Dec 25, 2012
Sida uu warbaahinta uxaqiijiyay Guddoomiyaha Deegaanka Bandar Beylah ee Gobalka Bari roobab wata duufaano kala duwan ayaa halkaasi ka da’ay xalay ilaa iyo saaka. Wuxuu sheegay in roobab dabeylo wato ay da’een islamarkaana daadad ay soo galeen Magaalada gudaheeda taasi oo keentay in 18-guri ay saameyn ku yeeshaan daadadka xoogooda. Wadooyinka qaar ee soo gala deegaanka ayuu sheegay inay ku go’an...