Home » Archive Daily December 27th, 2012

Nabadoon Ismaaciil Qalinle oo caawa Muqdisho ku geeriyooday

Dec 27, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Allaha u naxariistee waxaa fiidnimadii caawa Isbitaal ku yaala Muqdisho ku geeriyooday Ismaaciil Qalinle oo ahaa nabadoon iyo ganacsade caan ka ahaa gobolada Koofureed ee Soomaaliya. Marxuunka ayaa waxuu u dhintay dhaawacyo kasoo gaaray  saddex xabadood oo ay niman dabley ah aroornimadii maanta oo Qamiis ah ku dhufteen xili uu ka yimid salaaddii subaxnimo masjid ku... 

DHAGAYSI +SAWIRO: Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Axmed Madoobe oo ka hadlay waxyabihii kasoo baxay kulan ay yeesheen

Dec 27, 2012
Kulan balaaran ayay maanta magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ku yeesheen Wafdi ka socday dowlada Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Kismaayo. Wafdiga dowlada ee Kismaayo gaaray ayaa kala ah wasiirka gaashaandhiga, Wasiirka Amniga iyo Arimaha Gudaha, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Diinta iyo Garsoorka iyo Taliyaha ciidamada Militeriga dalka. Wasiirka Arimaha Gudaha iyo amniga qaranka ayaa sheegay... 

Kismaayo: Al-Shabaab oo weerar ku qaaday diyaarad rakaab siday

Dec 27, 2012
Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar hoobiyaal ah ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose. Weerarkas ayaa loo adeegsaday Hoobiyaal meel ka baxsan magaalada laga soo tuuray sida uu sheegay goob jooge lahadlay Warbaahinta AOL. Ku dhawaad sedex ruux ayaa lasoo sheegayaa in dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaalka iyadoona gudaha garoonka ay ku dhaceen madaafiicda. Gudoomiyaha... 

Kulan Haatan Kismaayo uga soconaya Wasiiradii garay iyo maamulka magaalada kusugnaa

Dec 27, 2012
Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxa ay sheegyaan in halkaasi uu ka socdo kulan ballaaran oo looga hadlayo arimaha ammaanka ee Gobalkaasi. Wasiirada hada ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxaa kamid ah Wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya,iyo sido kale wasiirka garsoorka... 

Ciidamada Kenya oo xabsiga dhigay Wadaad caanka ah Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi

Dec 27, 2012
Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka kenya ciidamada Nabadsugida ee dalkaasi ayaa xabsiga dhigay wadaad Soomaali ah oo si aad ah utaageera kooxda Shabaab ee ka dagaalanta dalka Somaaliya. Ciidamada Nabadsugida dalka Kenya ayaa la sheegay inay in muddo ah baaritaano dusha sare ah ku hayeen Sheekh Xasaan Xasan oo kamid ah culimadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka kenya aadna... 

DHAGAYSO: Al-Shabaab oo dad ay gowraceen soo dhigay magaalada Ceel-Buur

Dec 27, 2012
Wararka ka imaanaya magaalada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydka Wiil dhalinyaro ah oo si xun loo dilay. Wiilkan Meydkiida lasoo dhigay gudaha magaalada Ceel-Buur ayaa lasoo sheegayaa in dilkiisa loo adeegsadat midi iyadoona qoorta laga jaray. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Meydka Wilkan lasoo dhigay bartamaha Magaalada xalay, iyadoona ay Shabaab soo dhigeen... 

Fariin Cabasho ah oo ku socota Madaxweynaha dalka iyo Xukumada Soomaaliya “Akhri”

Dec 27, 2012
Cabasho Ku: Madaxweynaha Jamuuriyadda Federalka Somalia Ku: Guddomiyaha Barlamaanka Somalia Ku: Reysal Wasaaraha Xukuumadda Iyo Wasiirka Wasaarada Kherydaadka Dalka.  Ujeeddo: Cabasho La Xiriirto Boob Iyo Bililiqaysi Hantida Qaranka Soomaaliyeed. Mudane Madaxweyne waxaan kugu hambalyeeynayaa howsha adag ee umada Soomaaliyeed aad u hayso intaas kadib, waxaan ku soo gudbinayaa warqad cabasho ah... 

DHAGAYSO: 15 Shabaab ah oo lagu qabtay iyagoo hub ku haysta magaalada Muqdisho

Dec 27, 2012
Taliska nabad sugida gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay dhalinyaro Shabaab ah oo watay hub ay doonayeen in ay amaan xumo ugu gaystaan magaalada Muqdisho. Ciidamada nabad sugida ayaa howlgalka ay ay la kaashadeen ciidamada booliiska Soomaaliyeed waxaa ay kusoo qab qabteen rag tiradooda ay gaarayso 15-ruux o dhamaantood falalka amnidarada ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho lagu eedeeyay. Howlgaladan... 

DHAGAYSO: Howlgal lagu bur buriyay Saldhigyo Shabaab oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Dec 27, 2012
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa weerar xoogan ku qaaday deegaan duleedka ka xiga degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose. Weerarkaas ayaa ka danbeeyay kaidb markii ay ciidamo Shabaab ah dagaal ku qaadeen dhowr mar magaalada Muqdisho iyagoo ka duulaya duleedka magaalada. Gudoomiyaha dowlada ee degmada Afgooye ayaa sheegay in dagaalkii dhacay ay Shabaab kaga dilen askar badan ayna kala wareegeen saldhigii... 

Deg Deg: Wafdigii Dowlada oo goordhow gaaray Magaalada Kismaayo

Dec 27, 2012
Waxaa Goordhow gaaray magaalada Kismaayo wafdigii ka socday dowlada Soomaaliya kuwaas oo saakay ka baxay magaalada Muqdisho. Wafdigan oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Taliyaal ciidan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Maamulka magaalada ka jira. Xubnaha magaalada gaaray waxaa ku jira Wasiirka warfaafinta, Wasiirka Cadaalada iyo Wasiirka gaashaandhiga Sidoo kale waxaa wehliya...