Home » Archive Daily December 28th, 2012

Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka oo dilkii nabadoon Ismaaciil Qalinle kasoo saaray baaq tacsi ah (Booqo buugga Tacsida)

Dec 28, 2012
Baaq maanta kasoo baxay Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiinta gobolada Jubbooyinka (GXDGJ) oo sanadihii lasoo dhaafay si weyn ugu mashquulsanaa sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilka naxariis darada ah ee Qamiistii shalay magaalada Kismaayo loogu geystay nabadoon Ismaaciil Qalinle oo ahaa shaqsi ku caan... 

Xoghayaha Guddiga Xiriirka iyo Dib u heshiisiinta gobolada Jubbooyinka oo ka warbixiyay dilkii nabadoon Ismaacil Qalinle (Dhageyso wareysi)

Dec 28, 2012
Kaddib markii maalinimadii Qamiistii shalay ay kooxo hubeysan si xun ugu dhaawaceen magaalada Kismaayo nabadoon Ismaaciil Qalinle oo si weyn looga yaqiinay gobolada Koofureed ee Soomaaliya, kaddibna dhaawacaas awgiis uu isla fiidnimadii isla Qamiista ku geeriyooday Isbitaalka Madiina oo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa saxaafadda qaabka uu weerarkaas u dhacay uga warbixiyay Axmed Maxamuud... 

Wafdigii dowlada oo Kismaayo ku hoyday iyo kulamo lagu wado in dadka deegaanka la yeeshaan

Dec 28, 2012
Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu kadhaco kulan ay wada qaadanayaan dadka deegaanka iyo wafdigii heer wasiirada ahaa ee shalay gaaray magaaladaasi. Wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Cabdulaahi Ciilmooge Xersi oo la hadlay warbaahinta Muqdisho qaar ayaa sheegay in maanta ay la kulmi doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada. Ciilmooge,wuxuu sheegay inay si rasmi ah maanta...