Home » News »

Wafdigii IGAD oo la kulmay Axmed Madoobe

Wafdiga oo uu hoggaaminayo xog-hayaha guud ee urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macallin ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxay kulan hal saac qaatay kula yeesheen madaxweynaha cusub ee maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo ku xigeenkiisa, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo saxiixayaasha maamulka Jubbaland.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga qodobbada ay uga wada hadleen kulanka, hase ahaatee wafdiga IGAD ayaa qiimeyn wuxuu ku sameynayaa sida ay u dhacday doorashada madaxtinnimo ee Jubbaland iyo xaaladda ka jirta magaalada Kismaayo .

Wafdiga ayaa lagu wadaa inay booqdaan xarunta jaamacadda Kismaayo iyagoo halkaas kula kulmi doona ergooyinka dhisay maamulka Jubbaland iyo qeybaha bulshada.

Kulan saddex geesood ah ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu galabta ka dhaco garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kaas oo u dhaxeyn doona wafdiga IGAD, maamulka Jubbaland iyo guddiga xaqiiqo raadinta ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo.

Aden Xasan, Kismaayo/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

8 Jawaabood " Wafdigii IGAD oo la kulmay Axmed Madoobe "

  1. guulwade says:

    Sababta aybare hiiraale ula kulmi wayeen maxay tahay

  2. Barre Hiiraale sababta loola kulmi waayey waxa ay tahay iyadoo lawada og yahay waqtiga uu kismaayo yimid iyo in uu yahay nin Gurigiisa gudahiisa Madaxweyne ku sheeganayo tan ugu daran ay tahay in rag walaalha Galduud uu wakiil ugu yahay.

  3. urufey says:

    TO-Guulwade salaan dabadee waxaa Barre loola kulmi waayey waa iska garo oo Maxbuub oo madaxa waftiga ahi waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa heeeeeeeeeeeeeeeee qooyska Axmed Madoobe garo oo Afrikaanka lasocdana hal doon lacagteed ayaa dhinac u tuurta,laakiin waxaasoo dhan iyagaa ladhahaa dheg ha u dhigin sidaan anagoo soomaali ah dooneeyno ayuunbaa soconeeysa ee sxb sidaa isku raali geli

  4. Mashaqo says:

    Maxbuub ka reer Warfaa baa?

  5. ashkir says:

    qoladaan bare ku qafiiftay waa mooryaatiisi ayaan umalaynayaa ninka ad ledahay waa madaxwayne sowkii lahaa kablalax ayaa kismaanyo iga soo saaray mahaan madkii ayuu madax u noqon karaa goobaale iyo in dhacade ayaa iska soo hormariyaye

  6. Dulmi diid says:

    Dhamman waxan salamayaa aqristayasha Allgedo.warbixin guud oo ku sabsan qabiilka Sade ee ku nool countiga Garisa iyo xaryaha Dadaab.kadib markii ay so shacbaxday dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee gobolada jubbooyinka ayaa waxaa bilaabatay inla bartilmaameedsado Qabiil weynaha reer Sade darood. waxana billaactay in howlgaladii ciidamada Kenya ay kawadeen Garisa county iyo xaryaha Qaxootiga ay noqotay in loo addeegsado in lagu xasuuqo dadkii birmageeydada ahaa iyadoo lagu shabadeeynayo in ay yihiin Al shabaab.dadka kadambeeya arinta ee horsocda ciidamadda Kenya waa dad abaabuulan oo hor socda ayagoo tusaaya goobaha ay ku noolyihiin sida Guryaha,goobaha shaqada iwm.ujeedada kadambeysa wa in dilkooda loo adeegsado ciidamada.sidaas awgeed qabiilka Absamemow ama Kenyanimo nagu dil ama Ogadeenima wa wax meel kugu qoran.Sade waxan leeyahay maxad ka ogtihiin raga lagu layay Garisa oo medkooda la waray waddada u dhaxayso Nairobi iyo Bangal. Iyo kuwa xaryaha Dadaab habeen kasta laga boxo oo ay u dambeysay Camp cows? Fadlan arintan si deg deg ah u dabac.

  7. Abdalah says:

    Aderkay barre maanta waa ceeboobay bal muxuu in alle isusharixiwayey waa goorma goortuu ordayo waxan umaleynayaa ninka sidan kadhab ma ahee hawiyaa cadownimo udurey ninku nin fayow uma eka weyna kamuuqataa runtii

  8. curadka sade says:

    asc aniga waxay ilatahay inay xaalada kismaanyo tahay fari kama qodna faanoole waayo cid lamaquuninkaro majirto laakiin wali waxaa furan wadada wadahadalada waxaana talo ahaan usoo jeedinlahaa inaan lagu kicin wax gacan kahadala aana ladhibaaten bulshada kunool jubooyinka laakiin jawiga lagu dhameeyo wadahadalo iyo is afgarad cidkastana laga helo tanaasul

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.