Home » News »

Ciidamo ka tirsan Dowlada iyo kuwa Ehlu Suna oo Weeraray Fariisinka Birta Dheer ee Duleedka Garbahaarey

Ciidamadda Dowladda federaalka iyo kuwa Ahlu-sunna Waljamaaca ayaa maanta weerar ku qaaday Deegaanka Birta Dheer ee duleedka Magaalada Garbaaharay ee Gobolka Gedo. Deegaanka Birta Dheer ayaa 20-KM dhanka Koofur Bari ka xiga xaruunta Gobolka Gedo ee Garbaaharay.

Deegaanka ay weerarka Ciidamada Dowladda ay ku qaadeen ayaa ah goob ay ku sugnayeen Ciidamada Xarakadda Al-Shabaab.

Cabdi-Bare Cabdi oo ah Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah uu ka bixiyo dagaalka ay ku qaadeen deegaanka Birta Dheer ee Gobolka Gedo.

Cabdi ayaa sheegay in xiligaasi uu ku jiray howlgal dagaal isla markaana dib ugu hadli doono waxa ka dhacay Deegaankaasi.

Dhinaca Kale, Degmada Baardheere iyo Magaalada Garbahaaray oo ay ka kala arrimiyaan Dowladda Iyo Al-Shabaab ayaa laga dareemayaa dhaq dhaq Ciidan oo ay samaynayaan labada dhinac.

Maxamed Sheekh, Garbahaarey-Gedo.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.